FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA

MINISTRY OF LABOUR AND SOCIAL AFFAIRS

FB_IMG_1733054500210
H.E. YUSUF MOHAMED ADAN

Welcome to MoLSA

The Ministry of Labor and Social affairs of Somali Federal government is mandated to provide policy direction and guidance on all labor administration and vocational training matters. The Ministry is also mandated to protect and develop the labor force to contribute to the socio-economic development of Somalia Federal Government.

LATEST UPDATES

Wasiirka Wasaaradda, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan H.E. Yusuf Mohamed Adan iyo wafdi uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya ayaa kulan la qaatay madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudiga Sultan Abdulrahman Al-Marshad.
Wasiir Yuusuf ayaa Madaxa (Saudi Fund for Development) Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, kala hadlay sidii ay gacan ugu geysan lahaayeen qorshayaasha hor-tabinta u leh xukuumadda Danqaran iyo barnaamijyada horumarineed ee shaqo abuurka, taasi oo ay ugu horeyso dib-u-dayactirka dugsiyada farsamada gacanta ee dalka.
Madaxa sanduuqa horumarinta dalka boqortooyada Sacuudi Careebiya Mudane Sultan Abdulrahman Al-Marshad, ayaa balan qaaday in Sanduuqa (SFD) uu wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada kala shaqeyn doonno arrimaha horumarinta farsamada gacanta isagoo intaas ku daray in tababaro la siin doono shaqaalaha dowlada iyo horumarinta adeegyadda aasaasiga ee wax-tarka u leh bulshada Soomaaliyeed.
DHAMAAD

๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ๐˜๐€ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐ƒ๐Ž๐–๐‹๐€๐ƒ๐ƒ๐€ ๐’๐€๐‚๐”๐”๐ƒ๐ˆ๐†๐€ ๐Ž๐Ž ๐Š๐€๐‹๐€ ๐’๐€๐—๐ˆ๐ˆ๐—๐ƒ๐€๐˜ ๐‡๐„๐’๐‡๐ˆ๐ˆ๐’ ๐’๐‡๐€๐๐Ž ๐๐Ž๐‘๐ˆ๐’ ๐€๐‡

Riyaad, Diseembar 11, 2024; Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa magaalada Riyaad ee Caasimadda Dalka Boqortooyada Sucuudiga kula saxiixday dhiggiisa Wasiirka Kheyraadka Aadanaha iyo Horumarinta Bulshada, Mudane, Eng. Axmed Bin Suleymaan Al-rajhi heshiis shaqo qoris ah, taas oo ay si wadajir ah isaga kaashanayaan hirgelinta heshiiskan.
Heshiiskan ayaa diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah:
1) Is-afgaradkani wuxuu dejinayaa hannaan habaysan oo loogu talagalay shaqaalaha u shaqo tagaya Saudi Arabia, iyadoo la hubinayo in hab-ka socdaalka shaqaaluhu uu yahay mid nidaamsan, sugan, badbaado leh, oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka shaqada, waxa kale oo uu dejinaaya qaab cad oo sharci ah oo ku saabsan hababka qorista, hubinta u hoggaansanaanta sharciyada shaqada iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha.
2) Heshiiskan wuxuu kordhinaya dakhliga Dhaqaale ee Wadanka, taas oo qayb ka qaadan karta horumarinta dhaqaalaha iyo xasilloonida amni ee Dalka .
ย 
ย 

๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ค๐š ๐œ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐› ๐ž๐ž ๐๐š๐ฑ๐ง๐š๐š๐ง๐จ ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ก๐ข๐ซ๐ ๐ž๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐๐ž๐ฅ๐ž๐ญ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž

Waxaa si guul ah loo diiwaangeliyey qofkii ugu horreeyey ee ka faaโ€™iideysanaya gurmadka fatahaadaha iyadoo la adeegsanayo nidaamyada cusub ee dowladda ee Baxnaano! Nidaamyadan ayaa hadda tijaabo ahaan looga fulinayaa degmada Beletweyne ee Maamulka Hirshabelle.

Nidaamka Maareynta Macluumaadka (MIS) ee Baxnaano iyo nidaamka diiwaangelinta ayaa si dhab ah loogu adeegsaday goobta, iyadoo la qorsheynayo in lacagaha la tijaabiyo bisha Maarso/Abriil 2025. Kadibna waxaa si rasmi ah loogu wareejin doonaa nidaamyadan cusub ee dowladda.

Diiwaangelinta ayaa lagu saleeyay Nidaamka Diiwaangelinta Dadweynaha ee (USR), taas oo lagu xaqiijiyay tayada iyo hufnaanta geeddi-socodka.

DHAMAAD

The Minister Gallery